Isbahaysiga Dimoqraadiga Soomaaliyeed (SDA), oo ay ku bahoobeen 23 xisbi siyaasadeed, ayaa ku baaqay in hal bil dib loo dhigo doorashada golayaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir, si “axsaabta siyaasaddu ay u helaan diyaar garow ku filan.”
“Isbahaysigu wuxuu isku raacay in doorashada golaha deegaanka la qabto 30-ka Diseembar si loo siiyo dhammaan ururada siyaasadda waqti ku filan oo ay isugu diyaariyaan,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Isbahaysiga SDA waxaa xubno ka ah mas’uuliyiin ka tirsan dalladda Madasha Samatabixinta Qaran, oo dhawaan heshiis la gaartay dowladda Soomaaliya. Waxaa xubnahaas ugu caansan Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke.
Isbahaysiga ayaa carrabka ku adkeeyay in waqtiga dheeriga ah ee diyaar garowga uu gacan ka geysan doono sidii “tartanka loogu sinnaan lahaa” dhammaan ururada siyaasadda, uuna xoojin doono hufnaanta habraaca doorashada ee gobolka caasimadda Soomaaliya.
Doorashada golaha deegaanka ee Muqdisho ayaa horey seddex jeer dib loo dhigay, iyadoo mar walba hal bil oo keliya dib loogu riixayay.
Dhinaca kale, Urur Siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka ee uu hoggaamiyo Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay si rasmi ah ugu dhawaaqay musharraxooda gobolka Banaadir, waxayna u xusheen guddoomiye Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo xisbiga ku metali doono tartanka doorashada ka dhacaysa gobolka Banaadir.
Muungaab, oo haatan ah guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho, ayaa ku caan baxay dadaalladii uu ku soo celiyay shaqadii iyo muuqaalka caasimadda kadib burburkii dagaallada sokeeye, sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray ururku.




















