
Sida goor dhaw lagu baahiyay TV-ga Dalsan Gudoomiye Madaale ayaa warbaahinta la hadlay wuxuuna si weyn uga hor yimid hadalkii uu Muungaab kaga dhawaaqay bandhigii Xisbiga JSP ee ahaa inuu doorashoyinka Qof iyo cod uu ka qeybgeli doono isla markaana u sharaxan yahay Duqa Muqdisho isaoo wakiil ka ah Xisbiga JSP ee Madaxweyne Xassan oo sidaas oo kale Madaale isna u ku jiro.
Madaale oo lama filaan ay ku noqotay ku dhawaaqista Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mr Muungaab inuu yahay mushaaxa JSP ee xilka Gobolka Banaadir ayaa gabi ahaanba qaadacay wuxuna sheegay Madaale inaan isaga lagala tashan.




















