
Guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir Marwo Jawaahir Baarqab ayaa weerar xun oo dhanka afka ah ku qaaday Madaxweynihii hore ee dalka, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo todobaadkii hore dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.
Jawaahir oo ka hadleysay arrimaha doorashooyinka qof iyo codka ah kadib markii ay qaadatay kaarka cod-bixinta ayaa sheegtay in Farmaajo iyo mucaaradka aysan diidi karin rabitaanka shacabka, gaar ahaan halka milyan ee isku diiwaangeliyay ka qayb-galka doorashooyinka ka dhacaya dalka.
Sidoo kale waxa ay si cad u sheegtay in Farmaajo aanu wax shaqo ah ku lahayn diiwaangelinta, uuna bannaanka ka joogo hadda howlaha maamulka.
“Mucaarad iyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo meesha ma taagna kaarka codeynta ayaan u taaganahay 5 qof maxay diidi karaan?. Hal qof oo mliyan ma celin karaan?” ayay tiri guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir.
Waxaa kale oo ay sii raacisay “Farmaajo waa la soo shaqeeyay waa Madaxweynaheygii hore meeshaan ma taagno ma ogtahay, codeynta maxaa ka quseeya isaga ma halka milyan ayuu diiwaangeliyay?”.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maanta Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaaday tallaabo culus oo la xiriirta hirgelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee la filayo in dhawaan ay ka dhacaan gudaha dalka, waxaana bilaabatay qaadashada kaararka cod-bixinta.
Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabay qaybinta kaararka codbixiyeyaasha, waxaana laga bilaabay illaa todobo degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir, kuwaas oo kala ah Shibis, Boondheere, Xamarjajab, Shangaani, Waaberi, Xamarweyne iyo degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir, sida uu shaaciyay guddigu.
Villa Soomaaliya ayaa weli ku adkaysanaysa go’aankeeda ku aaddan in dalka laga hirgeliyo doorashooyin qof iyo cod ah, iyadoo lagu hormarayo kuwa heer degmo ah, si loo xoojiyo dimuqraadiyadda iyo hufnaanta nidaamka doorashooyinka.
Si kastaba, arrintan ayaa imaneysa xilli ay weli bannaanka ka joogaan arrimaha doorashooyinka qof iyo codka maamullada Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee la magac baxay Madasha Samatabixinta, kuwaas oo si adag uga horyimid hanaanka loo maray doorashooyinka qorsheysan iyo guddiga loo igmaday.




















