
Ciidamada amaanka maamulka Galmudug, gaar ahaan Booliiska degmada Guriceel ayaa gacanta kusoo dhigay nin ku eedeysan inuu dil bareer ahaa Xalay fiidkii hore ugu gaystay gudaha magaalada Guriceel Ganacsade caan ka ahaa magaaladaas.
Ganacsadaha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Deeq Cabdi Jaamac, kaasoo ahaa nin dhalinyaro ah oo si weyn looga yaqiinay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Taliska ciidanka Booliiska degmadaas ayaa warbaahinta u soo bandhigay ninkan ku eedeysan dilka ganacsadaha, kaasoo lagu magacaabo Cabdifitaax Cali Xasan Diiriye.
Waxaa sidoo kale Taliska Booliiska degmada Guriceel uu sheegay in eedeysanaha si deg deg ah loo horgeyn doono Cadaalada, islamarkaana soo qabashadiisa ay tahay mid muujineysa sida laamaha amaanka degmadaasi uga go’an tahay wax ka qabashada amniga degmada.
Guddoomiye ku xigeenka degmada Guriceel Shaafici Jaamac Cabdi, Taliyaha Booliiska Saldhigga Degmadaas iyo mas’uuliyiin kale oo si wadajir ah uga hadlay arrintaan ayaa digniin u diray dadka ku howlan falalka la xiriira dilalka aanooyinka qabiilka ah.
Allah u naxariiste dilka ganacsade Deeq Cabdi Jaamac Xalay loogu geystay Guriceel ayaa qeyb ka noqday dilalka mudooyinkii dambe ka dhacaayay qeybo badan oo ka mid ah deegaanada iyo degmooyinka gobolada Galgaduud iyo Mudug ee maamulka Galmudug.




















