
Ra’iisul Wasaarihii hore Sheekh Xasina ayaa la xukumay iyada iyo wasiirkeedii hore ee arrimaha gudaha iyo taliyihii booliiska.Waxaa lagu helay dambi ah inay ogolaadeen in awood dil ah loo adeegsaday dibadbaxayaal iyo inay ku guuldareysteen inay ka hortagaan xadgudubyada ka dhanka ah.
Maxkamadu waxay akhriday dhammaan dacwadaha loo haysto eedaysanayaasha, iyadoo faahfaahin ka bixinaysa baaxadda rabshadaha ka dhacay tallaabada booliiska.
Hogaamiyaha xilka laga qaaday ayaa beenisay dhammaan dacwadaha ku saabsan rabshadihii ay Qaramada Midoobay sheegtay in boqolaal qof lagu dilay.
Dibadbaxyadu waxay ku dhammaadeen iyadoo Xasina u carartay Hindiya, halkaas oo ay tan iyo markaas ku noolayd. Maxkamad gaar ah ayaa xukunkeeda iyadoo maqan.Waxaa goobta ku sugnaa oo keliya taliyihii hore ee booliiska Abdullah al-Mamun.




















