Mareykanka oo qorsheynaya dilka Madaxweyne Maduro

50

Hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da ayaa qorsheynaysa inay fuliso howlgal gaar ah oo lagu dilayo madaxweynaha Venezuela ,Nicolas Maduro haddii uusan toddobaadyada soo socda xilka ka deign.

Sidoo kale hay’adda sirdoonka dalka Cuba ee DGI ayaa dhankeeda diyaarisay koox gaar ah oo fulinaysa dilka Maduro, haddii uu isku dayo inuu isku dhiibo Mareykanka, xaaladan oo Maduro gelisay hurdo la’aan iyo inuu xataa mararka qaar seexdo meelo aan laga filaneyn, sida lagu sheegay warbixinno ay baahiyeen Axios iyo Telegraph.

Dhab ahaantii dhibaato ayaa faraqa uga buuxda hoggaamiyihii hadallada adag ee ka dhanka ah reer galbeedka jeedin jiray ee Nicolas Maduro, kaasoo maanta u dhimanaya khayraadka dalkiisa oo ay doonayaan shirkadaha Mareykanka iyo Cuba oo doonaysa inay sii heysato maamulka shidaalka iyo khayraadka kale ee Venezuela.

Sirdoonka Cuba , ayaa muddo dheer gacanta ku haya ammaanka Venezuela, waxayna tababbaro siiyaan ciidamada kala duwan ee dalkaa oo ay xataa ku jiraan saraakiisha gaarka ah ee ilaalisa Nicolas Maduro, sababtoo ah dhaqaalaha Cuba oo dhan ayaa ku tiirsan shidaalka iyo ganacsiga Venezuela , waa dal dhimanaya haddii Mareykanka uu gacanta ku dhigo, taasoo ah waxa ay u diidayaan Maduro inuu xilka ka dego, haddii uu is dhiibana wuxuu Mareykanka la wadaagi karaa xogta Cuba oo ah dal shuuci ah oo cunaqabateyn dhinac walba ah wajahaya, balse heysta mid ka mid ah sirdoonnada ugu sarreeya ee Laatin Ameerika.