Wiil Saciid Dani Abti u yahay oo laba qof kudilay Garoowe

51

Wararka ka imaanaya Magaalada Garowe ee Xarunta Maamulka Puntland ayaa sheegaya in xalay halkaasi ay kadhacday xiisad uu ku lug leeyahay wiil uu abti u yahay Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid C/llaahi Deni.

Wiilkaan oo lagu magacaabo C/laahi Maxamed Cabaas ayaa la soo sheegayaa inuu shil gaari ku dilay 2 ruux oo la socday Moto Bajaj.

Wiilkaan ayaa markii ciidanka amaanku goobta yimaadeen waxaa la sbeegay inuu dagaal kala hortagay ciidamada islamarkaana mid Booliiska ka mida uu dhintay inkastoo anagu aanan xaqiijin karin.

Wixii soo kordha wararkeena xiga ayaad kaga bogan doontaan insha Allaah.