Ninkii fuliyey weerarkii Washington Magaciisa & Sawirka oo la shaaciyey

47

Rahmanullah Lakanwal, oo 29 jir u dhashay Afgaanistaan, ayaa la sheegay inuu fuliyay toogashadii ka dhacday meel aan ka fogeyn Aqalka Cad oo lagu beegsaday laba xubnood oo ka tirsan ciidanka ilaalada qaranka Mareykanka.

Lakanwal, waxaa la sheegay inuu ka tirsanaa ciidankii ugu heerka sarreeyay ee howlgallada gaarka ah ee Afgaanistaan, kuwaas oo si toos ah ula dagaallami jiray Taliban iyagoo garab ka helaya cutubyada gaarka ah ee Maraykanka.

Warbaahinta Fox News ayaa sidoo kale sheegtay in Lakanwal uu muddo la shaqaynayay hay’adaha kala duwan ee dawladda Maraykanka ka joogay Afgaanistaan, gaar ahaan CIA-da. Waxaa la sheegay inuu qayb ka ahaa Kandahar Strike Force (KSF), oo sirdoonka Afgaanistaan loogu yaqaan NDS-03.

Kooxdan waxaa toos u maamuli jiray CIA, waxayna u howlgalaysay si ka madax bannaan nidaamka amarka militariga ee Maraykanka iyo Afgaanistaan labadaba.

KSF waxay fulin jirtay howlgallo qarsoodi ah oo ay ka mid yihiin weerarro habeenimo, dilal qorshaysan iyo howlgalada ka dhanka ah Taliban iyo al-Qaacida.

Waxaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah unugyada qarsoodiga ahaa uguna halista badan ee uu Maraykanku ku tiirsanaa intii uu socday dagaalkii Afgaanistaan.

Rahmanullah Lakanwal, wuxuu Mareykanka si aan wali la caddeyn ku galay bishii September ee sanadkii 2021. Waxaana lagu tilmaamay muhaajir dambiyo galay oo ka yimid Afgaanistaan.