DAAWO: Yasir Abu Shabaab oo laqaarijiyay

68

Yasir Abu Shabab oo ahaa hogaamiyihii maleeshiyaadkii wada shaqaynta la lahaa Israel, ayaa lagu dilay koonfurta Gaza.

Warbaahinta Israa’iil ayaa shaacisay inuu dhintay ninkii loo yaqaanay “Abu Shabab” oo lagu tilmaamay inuu ahaa hoggaamiyihii maleeshiyaadkii wada shaqaynta la lahaa Israa’iil ee ku sugan Marinka Gaza.

Channel-ka 14-aad ee Israa’iil ayaa sheegay in Ninkan oo lagu magacaabi jiray Yaasir Abu Shabab ay kooxo hubeysan ku dileen magaalada Rafah ee koonfurta Marinka Gaza.

Dhanka kale, mareegta Cibraaniga ah ee “srugim” waxay xustay xisaab kale, taasoo muujineysa in Abu Shabab ay dileen koox ka tirsan Xamaas xili uu ku sugnaa qeybta koonfureed ee Marinka.

Ku dhawaaqidani waxay muujinaysaa sii socoshada iskahorimaadka gudaha ee Gaza iyo beegsiga kuwa la shaqeeya dhinaca Israel.

Israel oo si weyn uga carootay khaarijinta Yasir ayaa is weydiinaysa sababta loo arki waayay markii dagaalyahannadu ka soo gudbayeen mandiqadda jaallada ah ee Yuhuudu calaamadaysatay in aan laga soo gudbi karin

Dhinaca kale, Israa’iil ayaa hadda la oggaaday inay toddobaadkii hore Mareykanka iyo xulafadeeda Carabta u gudbisay qorshe ay ugu soo bandhigaysay in Yasser Abu Shabab iyo kooxdiisa awood u leeyihiin xakameynta Qasa , waxaa si gaar ah kooxdan loogu diyaarinayay inay fuliyaan howlgalada gododka iyo baadi goobka warshadaha iyo kaydka hubka Xamaas, iyagoo gacan siinaya ciidanka caalamiga ah ee Qasa la geynayo.

Dilka Yasser Abu Shabab waxaa laga soo dhaweeyay inta badan dhulka Carabta , iyadoo marinka Qasa iyo magaalooyinka Lubnaan la bixinayay macmacaan loogu dabaaldeggayo dhimashadiisa.