Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal ay soosaartay waxa ay ku sheegtay in maalmaha ka dhiman todobaadkaan la fasaxay goobaha Waxbarashada sabab la xiriirta doorashada dhacaysa Khamiista 25ka Bishan.
Qoraalka Wasaaradda ayaa Waalidiinta iyo Ardayda lagu wargeliyay in 21ka ilaa 25ka Bishaan ay fasaxan yihiin Dugsiyada wax lagu barto, maamullada Iskuullada & Jaamacadaha ayay ka codsatay in ay dhaqangeliyaan bayaankaan.
“WasaaraddaWaxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxa ay ku wargelineysaa dhammaan waalidiinta, ardayda iyo bahwadaagta waxbarashada in la hakin doono howlaha waxbarashada ee Gobolka Banaadir inta u dhexeysa 21-ka Diseember ilaa 25-ka Diseembar 2025, Si loogu diyaargaroobo doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee dagmooyinka Gobolka Banaadir, waxaa la xirayaa dhammaan goobaha waxbarashada oo ay ka mid yihiin dugsiyada, macaahidda iyo jaamacadaha” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada XFS.





















