Madaxwayne Xasan Sheekh oo codeeyay +SAWIRRO

66

Dadweynaha magaalada Muqdisho ayaa si weyn ugu soo baxay doorashada goleyaasha degaanka ee gobolka Banaadir oo saaka ka bilaabatay caasimada dalka.

Inta badan xarumaha cod bixinta ayaa waxaa gaaray dadweyne safaf ugu jira iney codkooda dhiibtaan kuwaasoo ka kala yimid xaafado kala duwan oo ka tirsan magaalada.

Waxaa sidoo kale la arkayaa Wasiiro xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo safafkal kula jira dadweynaha kuwaasoo Iyana dhiibanaya codkooda.

Waxaa dhamaan xiran wadooyinka caasimadda oo laga joojiyey gaadiidka marka laga reebo gawaarida boliska iyo kuwa ay wataan masuuliyiinta saree e dowlada

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Hon Ali Yusuf Ali – Xoosh iyo taliyeyaasha ciidamada amaanka ayaa kormeeray Xarumaha ay ka socota Codbixinta Doorashooyinka Golaha Deegaanka Ee Gobolka Banaadir.

Wasiir Cali Xoosh ayaa ku bogaadiyay Shacabka Gobolka sida dimoqoraadiga ah ee ay codkooda u dhiibanayaan islamarkaana u muujiyeen in ay masiirkooda ku go’aamiyaan codbixinta si looga gudbo doorashooyinka dadban ee dalka laga soo qabtay, loona helo isla xisaabtan iyo horumar.

Screenshot