Shacabka Muqdisho oo si weyn ugu soo baxay doorashada +SAWIRRO

81

Waxaa Saaka si qurux badan Magaalada Muqdisho uga bilowday Doorashooyinka qof iyo cod taasoo noqoneysaa 77 sano markii ugu horeysay oo Muqdisho ay ka dhacdo doorasho nuucaas ah.

Doorashada oo si nabad ah ku socotaa kuna bilaabatay ayaa ka socota guud ahaan 16-ka Degmo ee Magaalada Muqdisho.

Safafla oo salaadii subax la galay ayaa waxaa ka muuqanaya inay masuuliyiinta Dowlada dhankooda safka uga jiraan oo sida Gudoomiye,Wasiir iyo wixi ka sii sareeya intaba.

Doorashada saaka was in Ururada siyaasada loo kala codeynayo kadib janaayo ama Febraayo waxaa ku xigi doona doorashooyinka Maamulka Gobolka Banaadir insha Allah.