Ururka Islaamka (OIC) kahor yimid aqoonsiga Israel ee Somaliland

64

Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa cambaareeyay go’aankii ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland, wuxuuna ururku sheegay inuu taageerayo midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Warsaxaafadeed ka soo baxay OIC, waxaa lagu yiri ; •”Xoghaynta Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa si adag u cambaareysay una diidday tallaabada ay Israa’iil, oo ah awood gumeysi, ku aqoonsatay gobol ka mid ah Soomaaliya oo loo yaqaan “Somaliland” inay tahay dowlad madax-bannaan. Ururku wuxuu tallaabadan ku tilmaamay mid si cad u jebinaysa madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, midnimadeeda qaran iyo wadajirka dhulkeeda.

Xoghaynta Guud waxay mar kale xaqiijisay taageerada buuxda iyo garab-istaagga ay la garab taagan tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo oo si cad u muujiyay taageeradeeda joogtada ah ee ku aaddan madaxbannaanida dalka, midnimada dhulkiisa iyo hay’adihiisa sharciyadda ah.

Sidoo kale, Ururka Iskaashiga Islaamka wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si buuxda loo ixtiraamo qodobbada Axdiga Ururka Iskaashiga Islaamka, Axdiga Qaramada Midoobay iyo sharciga caalamiga ah, kuwaas oo dhammaantood faraya in la dhowro madax-bannaanida dalalka xubnaha ka ah iyo wadajirka dhulkooda.”