Sacuudiga oo ka soo horjeestay ku aqoonsatay Somaliland ee Israel

51

Sacuudiga ayaa ka soo horjeestay go’aankii ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland, iyadoo warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga , lagu yiri ;

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay soo bandhigaysaa xaqiijinta Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee taageerada buuxda ay u hayso madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, midnimadeeda iyo badqabka dhulkeeda. Sidoo kale waxay muujinaysaa diidmadeeda ku aaddan ku dhawaaqista is-aqoonsiga labada dhinac ee u dhexeeya maamulka gumeysiga Israa’iil iyo gobolka Somaliland, maadaama ay xoojinayso tallaabooyin hal-dhinac ah oo gooni-goosad ah oo ka hor imanaya sharciga caalamiga ah.

Boqortooyaduna, iyadoo mar kale adkaynaysa diidmadeeda dhammaan isku dayada lagu doonayo in lagu soo rogo hay’ado ama qaabab kale oo is barbar socda oo ka hor imanaya midnimada Soomaaliya, waxay xaqiijinaysaa taageeradeeda hay’adaha sharciga ah ee dowladda Soomaaliyeed, iyo sida ay uga go’an tahay ilaalinta xasilloonida Soomaaliya iyo shacabkeeda walaalaha ah.”

HOOS KA DAALACO WAR SAXAAFADEEDKA SACUUDIGA