
Ciidamada Booliska Somaliland oo xalay howlgal qaaday ayaa soo xiray culimo iyo shaqsiyaad kale oo ka horyimid aqoonsiga Israel oo shalay ku dhawaaqday in ay dal u aqoonsatay Somaliland.
Booliska oo ka duulayo arrintaas ayaa soo xiray rag culimo ah oo ka digay in aan lagu deg-degin ictiraafka ay Israel ku dhawaaqday oo si weyn looga dabaal dagay Somaliland.
“Ciidamada Booliska Somaliland ayaa caawa gacanta ku soo dhigay shakhsiyaad ku eedaysan in ay si cad uga soo horjeesteen aqoonsiga, midnimada iyo jiritaanka qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Taliska Ciidamada Booliska Somaliland.
Sidoo kale, wuxuu Booliska sheegay in uu beegsan doono cid kasta oo ay u arkaan inay wax u dhimayaan qaranimada Somaliland, sida lagu cadeeyay warsaaxafadeedka, isaga oo shacabka ugu baaqay inay kasoo horjeestaan dadka diidan horumarkooda.
“Taliska Ciidanka Booliska JSL waxa uu adkaynaya in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo ku hawlan falal wax u dhimaya midnimada, nabadgelyada iyo qaranimada Somaliland. Sidoo kale, shacabweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa aanu ugu baaqaynaa in ay si mideysan uga soo horjeestaan shakhsiyaadka noocaas ah, isla markaana la soo wadaagaan Ciidanka Booliska JSL” ayaa mar kale yiri qoraalka.
Dhinaca kale, wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland oo isna qoraal kooban soo saaray ayaa si weyn u difaacay heshiiska ay la galeen Israel ee soo dadajiyay aqoonsiga, wuxuuna hoosta ka xariiqay in aysan diin kula heshiin, balse uu heshiiskoodu quseeyo arrimaha siyaasadda oo kaliya.
“Israel Diin kulamaanan heshiin ee siyaasad baan ku heshiinay” ayuu yiri wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland.
Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo shalay Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu uu shaaciyay in dalkiisu uu u aqoonsaday Somaliland inay tahay dal madax-bannaan, isagoo ku dhawaaqay in labada dhinac ay yeelanayaan xiriir diblomaasiyadeed oo buuxa, furashada safaarado, iyo is-dhaafsiga danjireyaal.
Netanyahu ayaa xusay in tallaabadani ay waafaqsan tahay “Ruuxda Heshiisyada Ibraahim” (Abraham Accords), oo ah hannaan uu Mareykanku garwadeen ka ahaa oo lagu caadiyeynayay xiriirka Israa’iil iyo dalalka Carabta/Islaamka.si rasmi ah u shaaciyay in dalkiisu uu u aqoonsaday Somaliland inay tahay dal madax-bannaan, isagoo ku dhawaaqay in labada dhinac ay yeelanayaan xiriir diblomaasiyadeed oo buuxa, furashada safaarado, iyo is-dhaafsiga danjireyaal.
Si kastaba, Aqoonsiga Israel ay siisay Somaliland ayaa durbaba la kulmay diidmo xooggan oo caalami ah, waxaana si cad uga soo horjeestay dalal iyo ururro goboleed iyo kuwo caalami ah, kuwaas oo ku tilmaamay mid khatar ku ah xasilloonida Geeska Afrika, isla markaana jebinaysa mabaa’diida aasaasiga ah ee sharciga caalamiga ah.




















