
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu si joogto ah u helayo warbixinno la xiriira xaaladda ka taagan Iiraan, isagoo xusay in wararka soo gaaraya ay muujinayaan dhimashada dad badan oo bannaanbaxyo dhigayay.
Trump ayaa sheegay in xaaladda ay si dhow ula socdaan, isla markaana uu ka fiirsanayo go’aanka ku habboon ee Mareykanku qaadan doono, iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha ka dhex aloosan Washington iyo Tehran.
Hadalkan ayuu Trump ka jeediyay shir jaraa’id, kaddib markii wariye uu wax ka waydiiyay hanjabaadda Iiraan ee ah inay weerari doonto saldhigyada Mareykanka haddii la soo weeraro. Isagoo ka jawaabaya su’aashaasi, Trump wuxuu adeegsaday hadal adag oo digniin xanbaarsan.
“Haddii ay sidaas sameeyaan, waan ku dhufan doonnaa heerar aysan waligood hore u arag,” ayuu yiri Trump. “Xitaa ma rumaysan doonaan waxa ku dhacaya. Waxaan haystaa xulashooyin aad u xoog badan. Marka haddii ay tallaabadaas qaadaan, waxaa lagu wajihi doonaa awood aad iyo aad u xooggan.”
Hadalladan ayaa kusoo beegmaya xilli xiisadda u dhexeysa Mareykanka iyo Iiraan ay mar kale cirka isku sii shareertay, iyadoo beesha caalamka ay si weyn uga walaacsan tahay suurtagalnimada inuu khilaafku isu beddelo iska horimaad militari oo ballaaran, kaas oo saameyn ku yeelan kara xasilloonida gobolka iyo tan caalamkaba.




















