DAAWO: Dowlada Somalia oo gabi ahaanba tirtirtay heshiisyadii lala galay Imaaraadka Carabta

85

Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo cuskanaya awoodahooda dastuuriga ilaalinayana madaxbannaanida dalka,waxay qaateen go’aan ay ku difaacayaan midnimada, wadajirka dhuleed,iyo nidaamka dastuuriga ah ee dalka.

 

Golaha Wasiirada, iyaga oo si taxaddar leh u qiimeeyay xaaladihii u dambeeyay isla markaasna isticmaalaya awoodahooda dastuuriga ah, waxay burriyeen dhammaan heshiisyadii lala galay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta oo ay ku jiraan hay’adaha maamulka dowladeed, kuwa la xiriira, iyo maamul-goboleedyada ka jira gudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

Go’aankaan wuxuu khuseeyaa dhammaan heshiisyada iyo wadashaqaynta ay ku joogeen dekadaha Berbera, Boosaaso, iyo Kismaayo.

 

Golaha Wasiiradu waxay sida oo kale burriyeen dhammaan heshiisyada jira ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Isutagga

Imaaraadka Carabta oo ay ku jiraan heshiisyada iskaashiga amni iyo difaac ee laba geesoodka ah.

 

Go’aankaan wuxuu la xiriiraa warbixinno iyo caddaymo xooggan oo ku saabsan tillaabooyin gurracan oo lagu dhibaataynayo gobonnimada, midnimada Qaranka, iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee dalka.