Puntland iyo Jubbaland oo diiday go’aankii DF ku ceyrisay Imaaraadka

84

Maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa diiday waxba kama jiraana kasoo qaaday go’aankii DFS meesha uga saartay Heshiisyadii Imaaraatka Carabta ee dalka, waxayna ku sifeysay kuwa ay madaxda DFS uga dhuumanayso gabida waajibaadkii isku haynta dalka ee laga sugayay.

 

Waxay sheegeen in heshiisyada la xiriira horumarinta, ganacsiga iyo amniga ay ka mid yihiin awoodaha ay Dastuur ahaan u leeyihiin, sidaas darteedna aysan Dowladda Federaalka xaq u lahayn inay baabi’iso ama wax ka beddesho. Waxay sidoo kale xaqiijiyeen in heshiisyadaasi ay sii shaqaynayaan illaa ay iyagu go’aan ka gaaraan.

 

HOOS KA DAALACO LABO WAR SAXAAFADEED OO AY SOO KALA SAAREEN LABADA MAAMUL