Trump: “Diyaar uma ihin Aqoonsiga Somaliland”

59

trump
trump

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump oo Wargayska The New York Post wax ka weydiiyay in uu aqoonsanayo Somaliland isla markaana uu ku raacayo Go’aanka Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa diiday in uu raaco go’aankaas.

 

Donald Trump ayaa si fudud u yiri “Diyaar uma ihi in aan Aqoonsado Somaliland” waxa uu Madaxweynaha Maraykanka dhowaan ka biyo diiday in uu qaato go’aanka Netanyahu kaddib markii ay kawada hadleen Arrinta Gaza iyo heshiisyadii uu waday.

 

Senator Ted Cruz oo muddo u ololaynayay in la aqoonsado Somaliland ayaa dhowaan isku dayay in uu Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump uu ku qanciyo aqoonsigaas balse wuu ka biyo diiday qaadashada go’aankaas.

 

Cruz ayaa dhinac weliba isku dayay in uu Donald Trump uga qanciyo aqoonsashada Somaliland, mar warqad ayuu u diray, mar si toos ah ayuu ula kulmay markale wuu u dad badsan laakiin marnaba isma baddelin mowqifka diidmada ah ee Madaxweynaha Maraykanka.

 

Saraakiil ka tirsan Aqalka cad ayaa sheegay in Mareykanka aysan dani ugu jirin aqoonsiga Somaliland, maadaama saldhig milateri oo weyn uu ku leeyahay Jabuuti oo deris la ah, dhinaca kalena Mareykanka ayaan dooneyn inuu lumiyo saaxiibadis dalalka carabta oo talaabadan aad uga soo horjeeda.

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN