
–
, – .
Hargeysa, Jamhuuriyadda Somaliland | 13 Janaayo 2026
Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland ka dib markii uu soo gaadhay war-saxaafadeed kasoo baxay waxa loogu yeedho “Dowladda” Soomaaliya, kaas oo ay ku sheeganayso in ay awood u leedahay heshiisyo la xidhiidha Berbera. Dowladda Somaliland waxa ay si cad ayay u dedafeynaysaa sheegashadaas waxba-kama-jiraanka ah.
Berbera, waa qayb ka mid ah dhulka madax-bannaan ee Jamhuuriyadda Somaliland, mana laha Soomaaliya wax awood sharci, mid maamul, ama mid wax ku ool ah oo ay ku maamusho ama ku maamuli karto.
Dowladda Somaliland waxa ay mar kale xaqiijinaysaa in Soomaaliya aysan iyadu dhinacyada heshiiska wada galay, isla markaana aysan dammiin iyo dammaanad-qaade toona ka ahayn heshiis kasta oo ay Somaliland cid gashay ama la gelayso. Sidaas darteed, Soomaaliya ma laha awood sharci ah oo ay ku hakiso, ku beddesho, ama ku saamayn karto heshiisyadaas. Isku day kasta oo arrintaas la xidhiidhaa waa mid sharci ahaan waxba kama jiraan ah, isla markaana ka hor imanaysa xaqiiqooyinka jira iyo mabaadi’da sharciga caalamiga ah.
Dhammaan heshiisyada u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Midowga Imaaraadka Carabta waa kuwo sharci ah, ansax ah, dhaqangalna ka ah dhammaan dhinacyada. Heshiisyadan waxaa galay hay’adaha dastuuriga ah ee awoodda u leh Somaliland, si loo horumariyo koboca dhaqaalaha, ganacsiga, kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo xasilloonida gobolka, mana aha mid ay saameynayaan hadallada siyaasadeed ee dibadda ka yimaaddaa.
Jamhuuriyadda Somaliland waxay u muujinaysaa mahadnaq Dawladda Imaaraadka Carabta iyo hoggaankeeda, gaar ahaan Sheekh Mohamed Bin Zayed Al Nahyan, iskaashiga soo-jireenka ah iyo kaalinta wax-ku-oolka ah ee ay ka qaateen nabadda, xasilloonida, iyo horumarinta dhaqaalaha Somaliland iyo guud ahaanba Geeska Afrika. Somaliland waxay sii ahaanaysaa saaxiib xilkas ah oo lagu kalsoonaan karo, oo ay ka go’an tahay iskaashi ku dhisan is-ixtiraam, faragelin la’aan, iyo sharcuucda caalamiga ah.
— Dhamaad —





















