Ururrada Siyaasadda ee ka jira deegaanada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa soo saaray bayaanno ay ku garab istaageen doorka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee difaaca midnimada iyo wadajirka dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo Xukuumadda ku boggaadiyey qaraarkii ay ku laashay heshiisyadii ka dhaxeeyey Soomaaliya iyo Imaaraadka, si loo difaaco madax-banaanida dalka.






















