
Dowladda Turkiga ayaa wadda dadaallo diblomaasiyadeed oo ay ku doonayso in ay ku xakamayso xiisadda siyaasadeed ee ka soo cusboonaatay qaar kamid ah dalalka Carabta, xilli Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, uu booqasho rasmi ah ku tegi doono magaalada Dubai.
Inkasta oo aan weli si rasmi ah loo shaacin faahfaahinta ujeeddada booqashada Wasiir Fidan, haddana warar laga helayo ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in qaddiyadda Soomaaliya ay ka mid noqon doonto ajandaha wada-hadallada, si xal loogu helo xiisadda ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.
Ilo-wareedyo ku sugan Bariga Dhexe ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in Turkigu doonayo inuu kaalin dhexdhexaadin ah ka qaato arrimaha dalalka Khaliijka Carabta, isla markaana uu ka hortago in xiisaddu ku fido dalal kale oo ka tirsan Bariga Dhexe iyo Bariga Afrika, iyadoo Soomaaliya ay ka mid tahay meelaha sida gaarka ah loo eegayo.
Booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga ee Dubai ayaa imaanaysa kaddib wada-hadal taleefan oo dhex maray Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip ErdoÄŸan iyo Madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan, taasoo muujinaysa in labada dhinac ay doonayaan in ay xoojiyaan wadatashiga siyaasadeed.
Safarka Hakan Fidan ee Imaaraadka Carabta waxaa loo arkaa mid xambaarsan dadaallo culus oo diblomaasiyadeed, kuwaas oo diiradda saaraya dejinta xiisadaha jira, gaar ahaan kuwa saamaynta ku leh Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.
Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u jartay xiriirkii ay la lahayd Imaaraadka Carabta, iyadoo laashay dhammaan heshiisyadii amni, iskaashi iyo horumarineed ee horay u dhex maray xukuumadaha Muqdisho iyo Abu Dhabi.




















