DAAWO: Wasiirka Gaashaandhiga Fiqi oo boooqday cidamo joogay aaga guumays +SAWIRRO

79

Wasiirka gaashaan dhiga somaliya mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa booqasho ugu tagay maantay cutubyo ka tirsan ciidanka XDS iyo ciidamada Daraawiishta Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari – Soomaaliya ee ku sugan aagga Guumays.

Wuxuuna kula dardaarmay xoojinta nabadda, ilaalinta midnimada dalka iyo ka hortagga mashruuca shisheeye ee kala goynta dalka.

Wuxuuna sheegay inuu aad ugu farxay una soo jiitey in Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kan ciidmaada XDS iyo kan dalwad goboleedkuba ay ka babanayaan Guumays oo ay sanado dhow ka hor intuba ay ka reebanaayeen, wuxuuna sheegay inuu rajaynayo in dabaysha midnimadu ay ku fidi doonto kol aan dheerayn deegaanada kooxaha Yar ee gooni-goosadka gacantooda ku haray.