Madaxwayne Xasan Sheekh oo lakulmay isimada Puntland +SAWIRRO

77
Madaxweynaha Dawlada Federalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sh Maxamuud, ayaa xalay Laascaanood kula kulmay Odayaal dhaqameed, Siyaasiyiin, iyo Masuuliyiin katirsan Dawladiisa oo kasoo jeeda deegaanada Puntland kuwaasoo uu kala hadlay qodobo dhawr ah oo ay kamid ahaayeen Mashaariicda Puntland ka xaniban, Khilaafka Puntland iyo Villa Somalia, iyo Mustaqbalka Puntland ay ka rabto Villa Somalia kadib dhismaha WB Somalia.
Mashaariicda ka xaniban Puntland
Madaxweynaha ayaa Hogaanka Puntland ku eedeeyey inay iyagu leeyihiin sababta xanibaada mashaariicsa, Isagoo sheegay in Madaxda Puntland si toos ah u diideen inay qaataan mashaariicda kuwaasoo qaarkood ay la noqdeen deeq bixiyayaasha qaarna hadda qarka u saaran yihiin in la celiyo.
“Mashaariicda Madaxda Puntland baan ogolayn, iyagoo shacabka u sheegaya in anagu aan diidney, Anagu maanu diidin waan idiin xaqiijinayaa Qaarkood waxay u xaniban yihiin saxiixa Wasaarada Maaliyada Puntland, qaar baa sidii saxiixa looga sugayey lala noqday, shacabkiina waxay u sheegayaan inaan anagu xanibney”. ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud.
Qaar kamid ah ka qaybgalayaasha kulanka oo waydiiyey sababta ay shacabka ugu cadayn waayeen Warka uu hadda sheegayo wuxuu u sheegay inaysan muhiim ahayn inay warbaahinta soo fariistaan oo sida wax u jiraan oodhan sheegaan, balse ay cid walba oo waxgarad ah warka u cadeeyeen si lamid ah sida uu hadda ugu sheegayo.
“Anaga masuuliyad baa na saaran, nama qabato inaan warbaahinta soo fariisano oo la murano oo dhahno waa beentooda laakiin xaqiiqda waa taas Wasiirada, Xildhibaanada iyo cid walba oo reer Puntland ah oo Federalka katirsan waa og yihiin”. Ayuu yiri.
Khilaafka Villa Soomaaliya iyo Puntland.
Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud, wuxuu ku dheeraaday waxyaabaha khilaafku salka ku hayo, wuxuu odayaasha iyo masuuliyiinta kale u sheegay inuusan jirin Khilaaf u dhexeeya Puntland iyo Madaxda Federalka balse ay jirto doonis shaqsi oo uu leeyahay Madaxweynaha Puntland taasoo uu ku tilmaamay mid aan waafaqayn danta guud.
“Anaga majiro cid aan neceb nahay, cid aan dhib la rabno, faragelin aan wadno iyo amaan darro aan Puntland la jecelahay, haddana uma socono inaan faragelino, marbaan damacnay inaan dhex dhexaadino Mucaaradka iyo Xukuumada Puntland 2023 markaana si kalaa loo fasiray shacabkii baa nalaga hor keenay, haddana idinka Odayaasha dhaqanka Masuuliyad baa idin saaran in Puntland aysan noqon meel Soomaali midnimadeeda laga wiiqo”. Ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa horay ula kulmay odayaasha dhaqanka ee Waqooyi Bari, isaga oo kala hadlay dadaalka ay galiyeen dhismaha maamulkaas, wuxuuna kusii adkeeyay midnimada bulshada, xasillinta nabadda iyo horumarinta dowlad-dhiska.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Jimcihii gaaray Laascaanood halkaas oo uu kaga qeyb-galay munaasabad lagu caleemo-saaray madaxweynaha Waqooyi Bari iyo ku-xigeenkiisa oo shalay ka dhacday gudaha magaaladaasi.

Booqashada Madaxweynaha ee Laascaanood ayaa astaan u ah adkeynta midnimada iyo dadaalka Dowladda Federaalka ee ku aaddan xoojinta wadajirka dhuleed ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed.