
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan ku xigeennada Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ayaa maanta kulan la qaatay guddiyada u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka oo ay ka wada-hadeen arrimo ku aadan wax ka beddalka dastuurka KMG ka ah.
Ugu horreyn guddiyada ayaa guddoonka labada Aqal ku wareejiyay soo jeedimaha wax-ka bdeedelka cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee Dastuurka, iyo sidoo kale shintiriska ama jadwaleynta doodda soo jeedimaha.
Cutubyadan ayaa a filayaa in dhawaan la horgeeyo xildhibaannada Baarlamaanka, si ay dood uga yeeshaan, una ansixiyaan.
Sidoo kale, waxaa lagu ballamay in ay sii socdaan doodaha la xiriira wax ka beddalka Dastuurka, iyada oo weli ay taagan tahay tabashada mucaaradka.
Horay Villa Somalia oo kaashaneysa Baarlamaanka ayaa ku guuleysatay in wax laga beddalo afarta cutub ee ugu horreyso Dastuurka, taas oo keentay qaylo dhaan wayn oo ka timid mucaaradka iyo labada maamul goboleed ee Jubbaland iyo Puntland, waxayna arrintaas dhalisay xiisad siyaasadeed oo ilaa iyo hadda ka taagan gudaha dalka.
Tallaabadan kale iyo isku deyga haatan la doonayo in lagu sii wado wax ka beddalka qodobada Dastuurka ayaa uga sii dari karta xaaladda murugsan ee dalka, gaar ahaan khilaafka ka jira hannaanka doorashooyinka dalka.
Si kastaba, dhawaan ayaa qorshuhu yahay in wada-hadallo toos ah ay yeeshaan Villa Somalia, Jubbaland, Puntland iyo Mucaaradka, si xal looga gaaro khilaafka ka dhashay wax ka beddalka Dastuurka iyo doorashada.





















