![]()
Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in Somaliland ay si weyn u xoojisay ciidamadeeda ku sugan xadka ay la wadaagto Jamhuuriyadda Jabuuti, gaar ahaan dhinaca galbeed ee gobolka Awdal.
Dhaqdhaqaaqan ciidan ayaa la sheegay inuu socday labadii maalmood ee la soo dhaafay, iyadoo cutubyo ka tirsan Ciidanka Militariga Somaliland laga soo raray magaalada Gabiley laguna daabulay deegaanka istaraatiijiga ah ee Lowyacadde, oo ku yaalla cirifka galbeed ee gobolka Awdal, kuna dhow xadka Jabuuti.
Ilo-wareedyo deegaanka ah ayaa sheegay in la arkayay kolonyo ciidan oo aad u hubeysan, kuwaas oo watay gaadiidka dagaalka (dabaabaad), gaadiidka gaashaaman, iyo hub culus, kuwaas oo si toos ah ugu jihaysnaa dhanka xadka Jabuuti.
Sidoo kale, wararku waxay intaa ku darayaan in saraakiil sare oo ka tirsan taliska Ciidanka Somaliland ay si rasmi ah uga sagootiyeen ciidankan magaalada Gabiley, taasoo muujinaysa in hawlgalkani yahay mid qorsheysan oo heer sare ah.
Xogta la xiriirta tirada saxda ah ee ciidanka, nooca hubka ay wataan, iyo ujeedada dhabta ah ee loo daabulay ayaa si weyn loo qariyay, waxaana ilaa iyo hadda adag in la helo xaqiijin rasmi ah. Tani waxay sare u qaadday shakiga iyo hadal-heynta ka dhex aloosan shacabka ku dhaqan gobolka Awdal iyo guud ahaan Somaliland.
Xiriirka Somaliland iyo Jabuuti ayaa si weyn u xumaaday maalmahan ka dib markii Jabuuti ay ka soo horjeesatay aqoonsiga ay Israel siisay Somaliland, ayna sheegtay in midnimada Somalia ay tahay mid muqadas ah taasoo ka careysiisay Maamulka Somaliland.
Sidoo kale Somaliland ayaa ka shakisan in Jabuuti ay hubeyneyso jabhado ka horjeeda gooni isu taaga Somaliland oo ka dilaacay gobolka Awdal oo mudooyinkanba ay ka jireen dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah Somaliland.
Ilaa waqtigan, maamulka Somaliland iyo dowladda Jabuuti midkoodna kama aysan hadlin dhaqdhaqaaqan cusub ee ciidan, mana jiro war rasmi ah oo sharaxaya sababta keentay ama ujeeddada laga leeyahay.
Aamusnaanta labada dhinac ayaa dhalisay su’aalo badan oo ku saabsan in dhaqdhaqaaqani la xiriiri karo arrimo amni, xuduudeed, ama xasaradaha siyaasadeed ee maalmihii u dambeeyay laga soo sheegayay gobolka Awdal.
Dhaqdhaqaaqan ciidan ayaa kusoo aadaya xilli ay jireen mowjado kacsanaan ah iyo cabashooyin bulsho oo laga soo tabinayay Awdal, kuwaas oo la xiriiray arrimo amni iyo siyaasadeed, taasoo keentay in falanqeeyayaal qaar ay ku tilmaamaan tallaabadan mid ay Somaliland ku doonayso inay ku adkaysato gacan ku haynta amniga iyo xasiloonida xadka galbeed.
Si kastaba ha ahaatee, xaaladda ayaa weli ah mid si dhow loola socdo, waxaana la sugayaa hadal rasmi ah oo ka soo baxa labada dhinac si loo fahmo jihada uu u socdo dhaqdhaqaaqan ciidan iyo saameynta uu ku yeelan karo amniga gobolka iyo xiriirka Somaliland iyo Jabuuti.




















