Daawo: Nin weerar ku soo qaaday Ilhaan Cumar xilli ay khudbad jeedineysay

80

Ilhan Cumar oo asal ahaa ah Gabar Soomaaliiyeed heysata dhalshada Dalka Mareykanka ayaa la soo sheegayaa inay ka bad baaday isku day lagu doonayay in lagu qaarajiyo sida warbaahinta Mareykanku aad u hadal hayaan.

Nin ayaa mar kaliya u soo cararay dhanka Ilhan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka xili ay hadal ka jeedineysay Kulkanka dadweyne oo ay ku qabatay Minneapolis Talaadadii shalay xilli ay markaas cambaareynaysay tallaabooyinka Hay’adda Socdaalkaa ee ICE loo yaqaan ay ka wado Minnesota.

Ninka soo aaday Ilhan oo Boolisku xabsiga dhigeen ayaa la soo sheegayaa inuu buufinayay dareere ilaa iminka wali la aqoonsan laakiin waxaa loogu yeeray oo goobta soo gaaray quburada sayniska si ay u sheegeen waxa ay tahay dareraha ninkaani watay,wararka ayaa tilmaamay in Nin Ilhan u dhawaa uu qabtay ninka dhanka Ilhan u soo cararay.

Booliiska oo goobta degdeg ku soo gaaray ayaa xabsiga dhigay nin looga shakisan yahay inuu doonayay inuu dilo Ilhan Cumar ,booliiska waxay weerarka ninkaani ku tilmaameen mid ku heer ah darajada saddexaad .