ilaa 20 xubnood oo isugu jiro labada Aqal oo laga joojiyay fadhiyada golaha

70


Guddoonka labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta soo saaray go’aanno culus ayaa fadhiyada golaha ka mamuucay illaa 20 xubnood oo isugu jiro labada Aqal, kuwaas oo ku lug yeeshay fowdadii dhawaan ka dhacday xarunta Baarlamaanka.

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo qoraal soo saaray ayaa 12 kulan oo xiriir ah ka joojiyay18 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha, kuwaas oo qayb ka ahaa qalalaasihii ka dhacay fadhigii wadajirka ahaa ee labada Aqal ee qabsoomay 28-kii Janaayo, 2026-ka.

“Haddaba iyada oo la tixgeliyo xaaladaha amniga, iyo in aysan soo noqon fowdo iyo carqaladeyn kale ee ka dhacda golaha, kuwaas oo si toos ah halis u gelinaya badqabka Xildhibaannada, shaqaalaha Golaha Shacabka iyo hannaanka gudashada waajibaada Golaha Shacabka, in xubnaha ka tirsan golaha ee ku lug lahaa qalalaasaha ka dhacay fadhigii wadajirka ahaa ee labada aqal ee taariikh 28-01-2026, laga joojiyay ka qayb-galka 12 kulan oo ah fadhiyada wadajirka ah ee labada Gole iyo fadhiyada kale ee Golaha Shacabka oo ka bilaabaneyso taariikhada 02-02-2026” ayaa lagu yiri go’aankasoo baxay guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Sidoo kale, Guddoomiyuhu waxaa kale oo uu digniin kama dambeys ah u diray illaa 11 kale oo lagu eedeeyey inay ku lug lahaayeen qalalaasihii ka dhacay fadhigaas, isagoo adkeeyay in la dhowro nidaamka, anshaxa, iyo xeer-hoosaadka Golaha, isla markaana la ilaaliyo sharafta iyo haybadda Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu faray ciidamada amniga inay fuliyaan amarka maanta soo baxay, isla markaana ay celiyaan xildhibaannada la ganaaxay.

“Taliska amniga ee Golaha Shacabka waxaa la farayaa in uu dhaqangeliyo go’aankan si waafsaqsan xeer-hoosaadka Golaha Shacabka BJFS” ayaa lasii raaciyay.

Dhanka kale, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka SareCali Shacbaan Ibraahim oo isna soo saaray go’aan kan lamid ah ayaa isna 12 kulan ka fadhiisay Senanatarrada Leyla Nuue Maax iyoCabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo lug yeeshay qalalaasihii dhowaan ka dhacay Baarlamaanka.

Tallaabadan ayaa kusoo aaday, xilli xiisad culus ay ka dhalatay wax ka beddalka cutubyada 5-aad illaa 9-aad ee Dastuurka KMG ka ah oo la geeyay Baarlamaanka, si ay uga doodaan, kadibna ay uga gaaraan go’aan rasmi ah.