Dagaal Saaka kaqarxay Baydhaba

106

Dagaal la sheegay inuu salka ku hayo arimo is heysad dhanka dhulka ah ayaa Saaka mar kale ka qarxay Magaalada Baydhaba waxaana uu u dhexeeyay Ciidamada Maamulka Koonfur galbeed iyo kuwo Milateri ah.

Dagaalka ayaa sababay khasaare iyo qalqal amni walow hay’adaha amaanku wali sharaxaad ka bixin inta uu la egyahay khasaaraha nafeed ee ka dhashay xili rasaasta la is dhaafsanayo ay gaarayaan xaafadaha shacabku degan yihiin.

Sarkaal ka tirsan Milateriga Somalia ayaa la sheegayaa inuu dagaalka qeyb ka yahay kaasoo dhawaan Muqdisho looga yeeray si loo xaliyo xiisad hore Baydhaba uga jirtay balse waxaa la xaqiijiyay inuu ka tagay Muqdisho islamarkana gaaray Baydhaba.