DAAWO: Maxkamada Ciidamada oo xukun Dil Toogasho ah fulisay

97

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta fulisay xukun dil ah oo horay loogu riday laba xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo lagu helay inay ka dambeeyeen dilal qorsheysan oo ka dhacay caasimadda Muqdisho.

Mid ka mid ah dadka xukunka lagu fuliyay ayaa lagu magacaabi jiray Farxaan Maxamuud Cabdinur Aadan, oo 22 jir ahaa. Maxkamaddu waxay ku heshay inuu mas’uul ka ahaa dilka laba askari oo ka tirsanaa ciidamada ammaanka, kuwaas oo lagu dilay degmooyinka Ceelasha Biyaha iyo Garasbaaley bishii Febraayo 2024. Farxaan ayaa xukun dil ah lagu riday bishii May 2024 kadib markii maxkamaddu ku caddaatay dambiyada loo haystay.

Sidoo kale, Cabdi Cabdulqaadir Maxamed ayaa isna lagu helay inuu dilay oday dhaqameed iyo askari ka tirsanaa booliiska, dilalkaas oo ka dhacay degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho bishii Febraayo 2024. Maxkamadda Ciidamada ayaa bishii Juun 2024 ku riday xukun dil ah kadib markii lagu helay dambiyadaas.

Ugu dambeyn, Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegtay in maanta si rasmi ah loo fuliyay xukunnadii dilka ahaa, iyadoo xustay in dhammaan marxaladihii sharciga la raacay, islamarkaana xukunka uu noqday mid kama dambeys ah.