kulan caawa ka dhacay hoteelka ay Muqdisho ka degan yihiin Deni iyo Madoobe + Sawirro

38

Kulan ballaaran oo u dhaxeeya Madaxda Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa caawa ka dhacay Airport Hotel, oo ku yaalla xayndaabka garoonka Aadan Cadde, halkaas oo ay degan yihiin madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland.

Golaha Mustaqbalka, oo ay ku mideysan yihiin madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka, ayaa xildhibaannada taabacsan mucaaradka ka dhageystay warbixin la xiriirta kulamadii u dambeeyay ee golaha iyo isku-deygooda ka hortagga meelmarinta wax ka beddelka dastuurka.

Sidoo kale, kulanka waxaa looga arrinsaday arrimaha uu Golaha Mustaqbalka la hortagayo shirka loo ballansan yahay, xilli ay kasii dareyso xiisadda siyaasadeed ee dalka.

Hoggaamiyeyaasha mucaaradka iyo madaxda Jubaland iyo Puntland, oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa si cad u sheegay in dalka u baahan yahay badbaado iyo in heshiis laga gaaro hanaanka doorashada, xilli billo kooban ka harsan tahay muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh.

“Madaxda hadda joogta Villa Somalia iyo dadka ka agdhaw waxay dhahayeen malaha madaxda ma imaaneyso, la idinka tagi maayo halkan ayaa nila joogayaa. Dalkaan in la wada-hadlo oo af loo saaro ayaa loo baahan yahay,” ayuu yiri Madaxweyne Saciid Deni.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe ayaa sheegay in aysan Muqdisho ka tageyn illaa xal laga gaarayo hanaanka doorashada dalka, isagoo Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay inuu si dhab ah u wajaho wada-hadallada loo ballansan yahay.

“Muqdisho marti kuma nihin, ma aanan u iman in laba maalin joogno ee waxaan u nimid in Soomaaliya xalkeeda gaarno, talo la wada leeyahay. Wixii saaxiibkay Xasan Sheekh shalay ka wada shaqeynaynay baa ka shaqeynayn ee isaga naga maqan isaguna ha kusoo biiro,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madoobe ayaa sidoo kale u mahadceliyay xildhibaannada sida adag uga horyimid meelmarinta wax ka beddelka, oo haatan dooddiisa ka taagan tahay Baarlamaanka Soomaaliya.

“Waan ka xumahay wax badan oo dhacaya oo xildhibaannada xorta ah ku dhacaya. Xildhibaannow waxaad u shaqeyseen wixii la idin soo doortay ee dadka ku metelayseen, aad iyo aad ayaa u mahadsan tihiin, waana wax aan ka wada shaqeyn doono illaa inta u dambeysa” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Madaxweyne Madoobe.