DAAWO: Deni oo kaniyad jabay xildhibanada Hawiye

84

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo xalay ka qay-galay shir xasaasi ah oo ka dhacay xerada Xalane ayaa jeediyay khudbad dhalisay hadal-heyn xoogan, taas oo uu uga hadlay xaaladda dalka.

Saciid Deni ayaa dhaliilay xildhibaannada Hawiye iyo dadka deegaanka, isaga oo tilmaamay in ‘Xamar’ ay tahay halka laga kala goynayo dalka, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan fiirinaayay 2021-kii halkan waaan joogi jirnay xildhibaannada hawiye ee meeshaan nagu jiir-jiiri jiray meesha ay aadeen ayaan garan waayay horta marka waxaan is iri malaha Xamar waa meesha dalka laga kala goynayo” ayuu yiri madaxweynaha maamulka Puntland.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in haatan dalka uu u baahan yahay badbaado iyo in heshiis laga gaaro hanaanka doorashada, xilli billo kooban ka harsan tahay muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh.

“Madaxda hadda joogta Villa Somalia iyo dadka ka agdhaw waxay dhahayeen malaha madaxda ma imaaneyso, la idinka tagi maayo halkan ayaa nila joogayaa. Dalkaan in la wada-hadlo oo af loo saaro ayaa loo baahan yahay,” ayuu mar kale yiri Saciid Deni.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Dalkan samatabixin ayuu u baahan yahay mustaqbal fiican ayuu u baahan yahay in xeerarka iyo shuruucda la dhigtay la ilaaliyo ayuu u baahan yahay”.

Hadalkan ayaa si weyn loogu dhaleeciyay madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni oo haatan u hanqal taagaya xilka madaxweynaha Soomaaliya, waxaana hadalkiisa uu u muuqdaa mid siyaasadeysan, maadaama ay is hayaan isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxaa kale oo u muuqdaa mid sii adkeynaya culeyska siyaasadeed ee taagan, maadaama cabaqado xooggan ay hor dadban yihiin shirka la filayo inuu dhex-marayo madaxda Villa Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.