DAAWO: Gacmey iyo Baari oo dil toogasho ah lagu fuliyay

68

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay laba xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo usoo gacan galay dowladda, kadibna lagu xukumay dilka saaka lagu fuliyay.

 

Raggan ayaa saaka aroortii hore la geeyay tiirka toogashada, halkaas oo ay ku toogteen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Labada marxuum ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Xasan Cali Iftiin Buule oo Al-Shabaab looga dhex yaqiinay (Gacmey) iyo Xasan Cali Ibraahim Maxamed Axmed oo isna magacyadiisa afgarashada ay kala ahaayeen (Baari, Biibaaye, Sacad).

Sida ay maxkamaddu sheegtay raggan ayaa waxaa lagu helay dilal & qaraxyo ka dhacay caasimada laguna guumaday Muwaadiniin Soomaaliyeed, waxaana ugu dambeyn maanta laga oofiyay xadkii qisaasta ahaa ee ay horay ugu xukuntay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliya.

Fagaaraha lagu toogtay raggan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo goobta kula hadlay warbaahinta, isla markaana ka warbixiyay toogashada labadaas nin ee horay uga tirsanaa maleeshiyaadka argagixisada ah.

Maalmo kahor ayay ahayd markii sidana oo kale loo toogtay xubno ka tirsanaa Khawaarijta oo iyana la geeyay fagaaraha toogashada, kuwaas oo kooxa u qaabilsanaa madax jabiska iyo fulinta weerarada gaadmada ah.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaliya ayaa dhawaan shaaca ka qaaday inay dib u billowday fulinta xukunnada dilalka toogashada ah ee ay horay u ridday, waxaa kamid ah shaqsiyaadka kale ee lagu fuliyay laba askari oo ka tirsanaa ciidanka Xoogga oo lagu helay la shaqeynta Al-Shabaab.