Mahad Salaad uu Axmed Madoobe iyo Saciid Deni u balan qaaday damaanad qaad amni

63

Kadib kulamo xalay uu Taliyaha NISA Mahad Salaad si kala gaar gaar ah ula yeeshay Madaxweynihii hore Somalia Maxamed C/laahi Farmajo,Madaxweynayaasha Puntland Sacidi Deni iyo Jubaland Axmed Madoobe ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in Mahad Salaad masuuliyiintaan kala hadlay xalinta muranka ka dhashay halka lagu qabanayo shirka Dowlada iyo mucaaradka.

Mahad Salaad ayaa si gaar ah Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ugu balan qaaday damaanad qaad amni hadii ay aqbalaan in shirka kala dhexeeya Madaxweyne Xasan uu ka dhaco Madaxtooyada Somalia madaama labadaani masuul si gaar ah u diideen inay Madaxtooyada tagaan iyagoo ka door biday Xalane in Shirku ka dhaco.

Hadii uu Mahad Salaad ku guuleysto inuu Odayaashaan ku qanciyo shirka inuu ka dhacco Madaxtooyada waxay ku qasbanaan doonaan inay saaxiibadooda kale ee Golaha Mustaqbalka ku wargeliyaan madaama hogaamiyayaasha Muqdisho ka soo jeeda ay kuwa maamulada dartood la qaateen diidmada Madaxtooyada balse iyagu didianeyn.

Dhanka kale waxaa macquul ah in kulan qarsoodi ah oo xalay mucaaradku ku yeesheen Xalane inay arintaan kaga hadleen si soo jeedinta Mahad Salaad go’aan rasmi ah oo wada jir ah uga qaataan.