Waxaa goor dhaweyd Hotel DECELE ku soo dhamaaday qada sharaftii uu maanta Madaxweynaha Somalia isugu yeeray Mucaaradka Golaha Muataqbalka.
Kulanka waxaa ka hadlay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh,Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Axmed Madoobe oo ah Madaxweynaha Maamulka Jubaland.
Madaxweyne Xasan wuxuu mucaaradka usoo bandhigay inay aqbalaan Madaxtooyada Somalia inuu ka dhaco shirka doorashooyinka ay uga hadlayaan xili uu carabka ku adkeeyay in Vila Somalia uusan isagu lahayn ayna tahay meel Soomaali oo dhan ka shaxeysa.
Sidoo kale Madaxweyne Xasan wuxuu cadeeyay inuu diyaar u yahay wada-xaajood uu la galo mucaaradka si looga la iskula garto arimaha la isku hayo.
Axmed Madoobe oo ka gaabsaday inuu ka hadlo Villa Somalia inay tagayaan iyo in kale ayaa ku gaabsaday inay soo dhaweynayaan wada hadalada
Sidoo kale Madaxweynihi hore Shariif Sheekh Axmed ayaa isagana wuxuu kulanka ka sheegay in Dowlada looga baahan yahay masuuliyad wada hadal ay daacad ka tahay.
“Waxaan ku jirnaa marxalad xasaasi ah, waxaa la ooogaa la joogo waqtigii Dowladu si dhab ah u geli lahayd wada-gadalada”ayuu yiri Shariif
Ma uusan soo hadal qaadin arinta soo jeedinta Madaxweyne Xasan ee ah jn shirarku ka sii socdaan Madaxtooyada taasoo noqon karta inaysan raali ka ahayn.





















