Goobaha lagu qabanayo doorashada ee afar maamul oo la shaaciyay

86

Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo soohdimaha dalka ayaa shaaciyay degmooyinka lagu qabanayo doorashada dowladaha hoose ee maamul goboleedyada Galmudug, HirShabelle, Koofur Galbeed iyo Waqooyi Bari.

Guddiga ayaa sheegay in maamulka Galmudug ay doorashada ka qabsoomi doonto degmooyinka: Dhuusamareeb, Gaalkacyo, Hobyo, Balanbale, Cadaado, Caabudwaaq, Xeraale, Ceeldheer, Xarardheere, Guriceel iyo Masagawaay/Galcad.

HirShabelle ayaa iyadna waxaa laga qaban doona degmooyinka: Jawhar, Beledweyne, Matabaan, Warsheekh, Cadale, Buulo-Burte, Jalalaqsi, Balcad, Mahadaay.

Sidoo kale, maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa laga qaban doona doorashada qof iyo codka degmooyinka Baydhabo, Baraawe, Marka, Afgooye, Wanlaweyn, Buur-Hakaba, Waajid, Berdaale, Qansaxdheere, Diinsoor, Xudur.

Halka, Waqooyi Bari iyadna laga qaban doono doorashada dowlada hoose degmooyinka Laascaanood, Xudun, Taleex iyo Buhoodle.

Guddiga ayaa ururrada siyaasadda ku wargeliyay in ay soo gudbiyaan liiska murashaxiintooda u tartamaya golayaasha degaannada degmooyinka kor ku xusan.

“Guddigu waxa uu ku adkaynayaa in dhammaan hawlaha ololaha iyo soo gudbinta murashaxiinta lagu fuliyo si waafaqsan xeerarka doorashooyinka, si loo xaqiijiyo hufnaan, isla-xisaabtan iyo tartan caddaalad ah.