
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa la filayaa inuu dhammaadka bisha Maarso safarkiisii ugu horreeyay ee rasmi ah ku tago dalka Israa’iil, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo xog-ogaal u ah arrimahan, oo la hadlay wargeyska Jerusalem Post.
Inkastoo tani ay noqonayso booqashadiisii ugu horreysay ee rasmi ah, haddana ma ahan markii ugu horreysay ee Madaxweyne Cirro uu tago Israa’iil.
Cirro ayaa horey socdaal qarsoodi ah ugu tagay Israa’iil intii ay socdeen wada-hadalladii dublamaasiyadeed ee hor-u-dhaca u ahaa go’aankii ay Israa’iil ku aqoonsatay maamulka Somaliland bishii Diseembar ee sanadkii 2025-kii.
Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil ayaa booqasho kooban ku tagay magaalada Hargeysa,6-dii Janaayo, halkaas oo uu kula kulmay Cirro.
Xukuumadda Hargeysa, oo hadda haysata aqoonsiga Israa’iil oo kaliya, ayaa doonaysa inay xiriirkaas sii xoojiso, kana dhigto mid wax-tar u leh horumarinta gudaha. Saraakiisha Somaliland ayaa daneynaya inay Israa’iil kala kaashadaan dhinacyada teknoolajiyadda, beeraha, iyo hal-abuurka casriga ah, maadaama Israa’iil loo arko dalalka ugu horreeya caalamka ee dhinacyadaas.
Dhanka kale, iyadoo qayb ka ah dadaallada lagu ballaarinayo saaxiibada caalamiga ah, Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi, ayaa wareysi uu siiyay telefishinka France 24 ku shaaciyay qorshe cusub oo ay xukuumaddiisu miiska u saartay dowladda Maraykanka.
Wasiir Khadar ayaa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay inay Maraykanka siiso marin gaar ah oo uu ku maal-gashan karo kheyraadka dabiiciga ah iyo macdanta Somaliland, isla markaana ay u ogolaanayaan in Washington ay saldhigyo milatari ka sameysato gudaha Somaliland.
Wasiirka ayaa ku tilmaamay dalabkan mid istaraatiijiyadeed oo lagu doonayo in lagu kasbado kalsoonida Maraykanka, si loo xaqiijiyo himilada ugu weyn ee Somaliland oo ah aqoonsi caalami ah.
Somaliland oo ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sanadkii 1991-kii ayaa weli dunida ka raadinaysa aqoonsi buuxa, iyadoo aaminsan in iskaashiga ay la yeelato quwadaha waaweyn sida Maraykanka ay waddada u xaari karto heshiisyo waaweyn iyo aqoonsi rasmi ah mustaqbalka.




















