
Qaar kamid ah xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa lagu wadaa in maanta ay ka ambabaxaan magaalada Muqdisho, iyagoo galaya safarro dhanka dibadda ah, kadib markii ay fashilmeen wada-hadalladii ay kula jireen madaxweyne Xasan Sheekh.
Xubnahan oo u badan madax hore ayaa dib ugu laabanayo dalalkii ay ka yimaadeen, maadaama ay suurageli weysay in ay heshiis buuxa la gaaraan dowladda dhexe oo ay isku hayaan hannaanka doorashooyinka dalka.
madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa maanta ka dhoofaya garoonka Aadan Cadde, isaga oo dib ugu laabanayo Garoowe, halka xubnaha kale ay u jiheysan doonaan dalalkii ay ka yimaadeen.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Xildhibaannada kasoo jeeda Puntland iyo Jubaland ee dhawaan laga mamnuucay fadhiyada Baarlamaanka ay iyana geli doonaan safarro deg-deg ah, ayna aadi doonaan magaalooyinka Garoowe, Boosaaso, Kismaayo iyo Nairobi oo ay ka bilaabi doonaan dhaq-dhaqaaq culus.
Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in ujeedka socdaalkan uu yahay mid lagu xoojinayo mowwqifka labada Dowlad-goboleed ee Jubbaland iyo Puntland oo ka soo horjeeda qorshaha wax ka beddelka Dastuurka KMG ka ah.
Si kastaba, dhaq-dhaqaaqyadan ayaa kusoo aadaya, xilli si weyn isha loogu hayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, waxaana ay dadka ay is weydiinayaan halka ay ku dambeyn doonto xiisadda, maadaama waqtigii uu gabagabo yahay, hadane heshiis laga gaari waayay, sida loo wajahayo waqtiga kala guurka.
Golaha Mustaqbalka ayaa horay xudunta is-mariwaaga iyo kala aragti duwanaanta labada dhinac ku sheegay inay sabab u tahay in goluhu ku adkeystay in Dastuurka KMG ka ah ee 2012 uu yahay aas aaska sharciga ee dalka u dagsan, wax ka beddalkiisana uu u baahan yahay heshiis qaran oo loo dhan yahay, halka dhanka kale ay dowladdu taas beddalkeeda ku adkeysatay in aysan cidna u joojineyn wax ka beddalka, siina wadi doonto.
Arrinta labaad ee fashilka keentay ayuu goluhu ku sheegay in sidoo kale ay ku adkeysteen in doorashada Dowlad-goboleedyada muddo dhaafka ah la qabto, iyada oo la raacayo sida uu dhigayo Dastuurka Dowlad-goboleedyada iyo mabaadii’da Dastuurka Federaalka Soomaaliya, taa beddalkeena iyaduna waxay dowladdu dooneysay in doorashooyinka saddexda Maamul-goboleed lagu qabto sharciyad doorasho iyo habraacyo ku saleysan Dastuurka wax ka beddalkiisa la’isku haysto, waxayna taasi dhalisay in ugu dambeyn lagu kala tego shirka.




















