
Milateriga Iiran ayaa saaka weerar waxay ku qaadeen goobta ugu weyn ee dhoofinta shidaalka Sacuudiga ee Ras Tanura oo ay maamusho shirkadda Aramco waxaana warbaahinta lagu shaaciyay goobtaasi oo qiiq badan uu ka baxayo.
Iran waxay weerarkooda u adeegsadeen diyaarad nuuca aan duuliyaha lahayn ee Drons -ka loo yaqaan gaar ahaan nuuca ay qaraxyada ku rikaban yihiin,waxaana goobka shidalka qabsaday qarax ,dam,holac iyo qiiq, Dowlada Sucuudiga wali kama soo saarin warbixin ku saabsan khasaaraha gaaray xarunta lagu sifeeyo shidaalka Sucuudiga.
Sidoo kale Dowlada Boqortooyada Sacuudiga ayaa durba qaadatay go’aan ay hoos ugu dhigtay ama joojisay howlaha warshadda sifaynta saliidda ee Ras Tanura ilaa iyo amar danbe sababo loo maleynayo inay ka dhalatay weerarka lagu qaaday xaruntaasi.
Goobtaan la weeraray waxaa la sheegaa inay tahay tan ugu weyn marka la eego warshadaha saliidda adduunka,sidoo kale waa Deked muhiim u ah Sucuudiga marka la eego dhanka dhoofinta shidaalka.
Si kastaba Duqeynta warshadaan wuxuu ku soo aadayaa saacado ka dib markii Sacuudigu shaaciyay inuu isku diyaarinayo inuu ka jawaabo weerarrada Iiraan kaga yimid doraad.




















