
Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shir wadatashi ah oo u dhexeeyey madaxda Puntland iyo xildhibaannada Puntland ku metela labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Shirka ayaa ka dhacay xarunta madaxtooyada Garowe, halka qaar ka mid ah xildhibaannada ku sugan Muqdisho ay uga qayb galeen habka fogaan aragga.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray doodda ka taagan wax ka beddelka dastuurka Federaalka Soomaaliya iyo doorka ay dowlad-goboleedyadu ka leeyihiin. Waxaa lagaga hadlay muhiimadda ay leedahay in dastuurka lagu dhaqmo si waafaqsan heshiisyadii hore, gaar ahaan heshiiskii 2012 ee Dastuurka Ku-meelgaarka ah lagu ansixiyey.
War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland ay si buuxda u aqoonsan tahay Dastuurka KMG, isla markaana aysan qeyb ka noqon doonin wax ka beddel aan lagu heshiin. Sida lagu xusay war-saxaafadeedka, “Dowladda Puntland waxay aqoonsantahay Dastuurka KGM ah ee heshiiska lagu yahay ee 2012, wax kasta oo laga bedelo oo aan heshiis lagu aheyna waa waxba kama jiraan, Puntland qeyb kama aha, meel uu ka shaqayn doonana majirto.”
Mowqifkan ayaa muujinaya sida Puntland uga digeyso tallaabo kasta oo dowladda federaalku si keligeed ah ugu dhaqaaqdo wax ka bedelka dastuurka. Waxaa sidoo kale lagu caddeeyey in Puntland ay doorbideyso in wax kasta oo la xiriira dastuurka lagu xalliyo hab wada-tashi ah oo qaran, isla markaana ay muhiim tahay in dhammaan dowlad-goboleedyada iyo xildhibaannada federaalka ay ka qeyb qaataan go’aan kasta oo wax ka beddel ah.
Shirka wadatashiga ayaa sidoo kale fursad u ahaa xildhibaannada Puntland ku metela labada aqal in ay isla meel dhigaan aragtidooda, iyadoo la isku dhaafsaday xog iyo talooyin ku saabsan saameynta isbeddel kasta ee dastuurka ku yeelan karo gobolka iyo guud ahaan dalka. Puntland ayaa ku adkaysatay in dastuurka KMG uu yahay tiir muhiim u ah nidaamka federaalka, islamarkaana ilaalintiisa ay tahay masuuliyad qaran oo ay wadaagaan dhammaan dhinacyada Soomaaliya.





















