
Ilaalada Kacaanka Iran ayaa shaaciyay in Tehran ay go’aamin doonto sida uu ku dhammaan doono dagaalka, iyadoo sheegtay in ciidamada qalabka sida ee dalkaasi ay diyaar u yihiin ilaalinta saliidda iyo amniga gobolka.
Hadalkaasi ayaa ka soo baxay afhayeenka Ilaalada Kacaanka Iran, kaddib markii uu ka falceliyay hadallo uu jeediyay madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump oo ku saabsanaa xaaladda ciidamada Iran iyo sheegashadiisa ah in saamaynta Tehran ay sii yaraaneyso.
Afhayeen Ali Mohammad Naeini, ayaa sheegay in miisaanka awoodda ee gobolka iyo jihada mustaqbalka ay hadda gacanta ugu jiraan ciidamada qalabka sida ee Iran, isagoo xusay in ciidamada Mareykanku aysan awood u lahayn inay soo afjaraan dagaalka.
“Ciidamada qalabka sida ee Iran waxay ciidamada badda ee Mareykanka ku sugayaan marin biyoodka Hormuz iyo sidoo kale markabka diyaaradaha xambaara ee Mareykanka Gerald Ford. Dhamaadka dagaalka wuxuu ku jiraa gacanta Iran,” ayuu yiri.
Naeini waxa uu sidoo kale tilmaamay in Trump uu sheegay in maraakiib ganacsi iyo kuwo milatari ay si sahlan ugu gudbaan marin-biyoodka Hormuz, balse uu ku dooday in maraakiibta Mareykanka iyo diyaaradaha dagaalka ay ka durkeen gobolka masaafo ka badan kun kiiloomitir si ay uga fogaadaan gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran.
Afhayeenka ayaa sidoo kale ka jawaabay hadalka Trump ee ku saabsan hoos u dhaca awoodda gantaallada Iran, isagoo sheegay in gantaallada dalkaasi ay hadda ka awood badan yihiin sidii ay ahaayeen bilowgii dagaalka.
Wuxuu xusay in gantaalladaasi ay wataan culays iyo madaxyo dagaal oo miisaankoodu ka badan yahay hal tan, isla markaana lagu beegsanayo saldhigyada Mareykanka iyo Israel.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in ciidamada qalabka sida ee Iran aysan oggolaan doonin in hal litir oo saliid ah laga dhoofiyo gobolka loona gudbiyo dhinacyada ay cadowga u arkaan ilaa amar kale laga bixiyo.
Wuxuu intaas ku daray in tallaabo kasta oo lagu yareynayo ama lagu xakameynayo dhaqdhaqaaqa shidaalka iyo gaaska ay noqon doonto mid ku-meel-gaar ah oo aan wax badan ka beddeli doonin xaaladda.
Naeini ayaa sidoo kale digniin u diray Washington, isagoo sheegay in ciidamada qalabka sida ee Iran ay si dhow ula socdaan ciidamada badda ee Mareykanka ee ku sugan marin-biyoodka Hormuz, isla markaana ay indhaha ku hayaan markabka xambaara diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka, Gerald Ford. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in dhammaadka dagaalka uu ku jiro gacanta Iran.
Hadalka ka soo baxay Iran ayaa imanaya xilli madaxweyne Donald Trump uu ka hadlayay muddada uu socon doono howlgalka milatari ee Maraykanku ku qaaday Iran.
Trump ayaa sheegay in howlgalkaasi uu soo afjarmi doono “dhawaan”, inkastoo uusan sheegin inuu ku dhammaanayo toddobaadkan.
“Waxaan u maleynayaa inuu dhowaan dhammaan doono. Wax kasta oo ay Iran lahayd way dhammaadeen, oo uu ku jiro hoggaankeedii,” ayuu yiri Trump.
Trump waxa uu sidoo kale sheegay in dad badan aysan xitaa maqal hoggaamiyaha la sheegayo inuu beddeli doono aayaatollah-ka.
Dhanka kale, madaxweynaha Mareykanka ayaa mar kale uga digay Iran inay carqaladeyso socodka maraakiibta ee marin-biyoodka Hormuz.
“Haddii Iran ay sameyso wax kasta oo joojinaya socodka shidaalka ee marinkan, waxaa ku dhici doona weerar ka imanaya Mareykanka oo labaatan jeer ka adag wixii hore loogu qaaday,” ayuu Trump ku yiri bayaan uu ku daabacay internetka.
Qiyaastii 20% shidaalka adduunka ayaa mara marin-biyoodka Hormuz, waxaana dagaalka socda uu si weyn u yareeyay isu socodka maraakiibta badda, sidoo kalena uu sare u qaaday qiimaha shidaalka ee caalamka.
Trump ayaa intaas ku daray in Mareykanku burburin doono bartilmaameedyo si fudud loo baabi’in karo, taasoo, sida uu sheegay, ka dhigi doonta mid aad ugu adkaan doonta Iran inay mar kale dib u dhisto dalkeeda.
Ugu dambayn, Trump wuxuu sheegay in ay weli jiraan bartilmaameedyo dhowr ah oo Maraykanku aan weli gaarin, balse la burburin karo “hal maalin gudaheed.”




















