Afhayeenka Baarlamaanka Iiraan ayaa sheegay inaysan ubaahneen xabad joojin

89

 

Afhayeenka Baarlamaanka Iiraan Mohammad Bagher Ghalibaf oo qoraal uu soo dhigay bogga X ku sheegay in waddanku uusan hadda raadinayn inuu gaaro heshiis xabad joojin ah iyadoo ay socdaan weerarrada Mareykanka iyo Israa’iil.

“Dabcan, ma raadinayno xabad joojin; waxaan aaminsanahay inaan afka ku dhufanno qofka gardarrada ah si uu cashar u barto oo uusan mar dambe uga fikirin inuu ku gardarroodo Iiraankeenna qaaliga ah,” ayuu yiri Talaadadii.

“Nidaamka Sahyuuniyadda wuxuu u arkaa jiritaankiisa aan la rumaysan karin inuu sii wado wareegga ‘gorgortanka dagaalka-xabad joojinta ka dibna dagaal mar kale’ si loo xoojiyo xukunkiisa. Waxaan jebin doonnaa wareeggan.”