
Hogaamiyaha cusub ee Iran Mojtaba Khamenei, ayaa uga digay Mareykanka inuu si deg deg ah u xiro saldhigyada Khaliijka, haddii kale uu la kulmi doono weeraro kale, fariintiisii ugu horeysay tan iyo markii uu xukunka la wareegay.
Mojtaba Khamenei, oo ah ina Ali Khamenei, lama arag, lamana maqal tan iyo markii ay Maraykanka iyo Israa’iil duqaymaha ku dileen aabihii iyo xubnaha kale ee qoyskiisa maalintii ugu horraysay ee dagaalka.
Balse hadal qoraal ah oo maanta laga sii daayay Telefishinka qaranka Iran, ayuu wacad ku maray inay sii wadi doonaan weerarada ay ku hayaan dalalka Khaliijka, haddii aysan dalka ka saarin ciidamada Mareykanka.
Wadamada Khaliijka ayaa la kulmay weeraro joogta ah oo ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran iyo gantaalada lagu weeraray kaabayaasha dhaqaalaha iyo shabakadaha gaadiidka tan iyo markii uu bilowday ololaha duqeymaha Mareykanka iyo Israel.
Khamenei ayaa sidoo kale ku baaqay in la sii wado xannibaadda marinka Hormuz si ay u ilaaliso qulqulka saliidda adduunka.
Waxa uu sidoo kale ka digay in Iran laga yaabo in ay furto waji cusub oo dagaalka ah, oo maalintii 13-aad galay, isagoo aan bixin sharraxaad dheeraad ah.




















