![]()
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Taliyayaasha Nabad sugida ,Booliska iyo Milateriga ee Baydhaba ka howlgala kuwaasoo Dowladu shalay ku amartay inay maanta oo Axad ah soo gaaraan Muqdisho si wada-tashiyo jira loola yeesho.
Warar hoose ayaa sheegaya in Taliyayaasha loo yeeray u kala qeybameen kuwo aqbalay amarka Dowlada iyo kuwo diiday loona badinayo inay u dhag raariciyeen Madaxweynaha Maamulka Koofur-Galbeed oo khilaaf uu kala dhexeeyo Dowlada dhexe ee Somalia.
Taliyayaasha aqbalay amarka Dowlada waxaa laga sugayaa Magaalada Muqdisho inay isla maantaba diyaarad u soo raacaan oo soo gaaraan Madaxtooyada Villa Somalia halka kuwa diidayna la hadal hayo in iyagana saacadaha soo socda xilalkooda ay waayi doonaan.
Khilaafka soo kala dhex-galay Lafta-gareen iyo Madaxtooyada Somalia ayaa cirka isku shareertay 24-kii saac ee la soo dhaafay taasoo laga cabsi qabo in meeshii ugu sareysay ay gaarto hadii aan degdeg xal loogu helin.




















