Trump oo NATO ka dal baday in ay ku soo biiraan dagaalka Iran.

73

 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa u diray digniin cad oo adag isbahaysiga NATO, isagoo sheegay in mustaqbalka isbahaysigu uu noqon doono “mid aad u xun” haddii dalalka xubnaha ka ah aysan si toos ah uga qayb qaadan dadaallada lagu furayo marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Strait of Hormuz.

Hadalkaas ayuu Trump ku sheegay wareysi uu siiyay wargeyska Financial Times, isagoo ku adkeeyay in dalalka Yurub ay qaataan door muuqda oo militari si loo xaqiijiyo in marinka Hormuz uu ahaado mid furan oo ammaan ah. Hadalkan ayaa sii kordhinaya cadaadiska uu Mareykanku saarayo xulafadiisa Yurub si ay ugu biiraan hawlgal kasta oo militari oo lagu xaqiijinayo maraakiibta ganacsiga ee marinkaasi.

Trump wuxuu sheegay in haddii xulafada NATO aysan qaadan masuuliyadda amniga marinka Hormuz, ay taasi saameyn weyn ku yeelan karto xiriirka mustaqbalka ee Mareykanka iyo isbahaysiga. Wuxuu xusay in dalalka NATO ay si weyn uga faa’iideystaan amniga badda iyo ganacsiga caalamiga ah, sidaas darteedna ay tahay inay qayb ka noqdaan ilaalintiisa.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay inuu dib u dhigi karo safar uu qorsheynayay inuu ku tago China, haddii Beijing aysan kaalin muuqata ka qaadan furitaanka marinka Hormuz. Trump wuxuu tilmaamay in Shiinaha uu yahay mid ka mid ah dalalka ugu waaweyn ee ka faa’iideysta saliidda ka gudubta marinkan, sidaas darteedna ay muhiim tahay inuu qayb ka noqdo dadaallada lagu ilaalinayo amniga marinkaasi.