Maamulka degmada Awdheegle ayaa maanta si kulul uga digay cawaaqib amni oo ka dhalan kara haddii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si toos ah ula wareegto xarunta kastamka ee degmada Afgooye.
Guddoomiye ku-xigeenka degmada Awdheegle, Maxamed Axmed Sheekh, ayaa sheegay in tallaabo noocaas ah ay keeni karto xiisad amni oo cusub, maadaama kastamka Afgooye uu yahay goob dhaqaale iyo maamul ahaanba muhiim u ah deegaannada ku xeeran.
Wuxuu tilmaamay in wax kasta oo isbeddel ah oo lagu sameeyo maamulka kastamka ay u baahan yihiin wadatashi iyo heshiis ay gaaraan dhinacyada ay arrintu khusayso.
Maxamed Axmed Sheekh ayaa sidoo kale xusay in waddada isku xirta Afgooye iyo Muqdisho ay halis weyn geli karto haddii dowladda federaalka ay si keligeed ah ula wareegto kastamka. Waddadaas oo muhiim u ah isu socodka dadka iyo ganacsiga ayaa markaas isu beddeli karta “goob dhimasho ama naar-ka-bood,” sida uu hadalka u dhigay.
Guddoomiye ku-xigeenka ayaa sheegay in saraakiisha dowladda iyo mas’uuliyiinta safarka ku mara waddadaas ay markaas wajihi karaan khataro badan oo amni, maadaama xaaladda ay sii adkaan karto haddii aan la helin wada-shaqeyn buuxda oo dhex marta dowladda dhexe iyo maamulka deegaanka.
“Haddii dowladda Xasan Sheekh ay la wareegto kastamka Afgooye, inta u dhexeysa Afgooye iyo Muqdisho waxay noqonaysaa naarka-bood, dowladdana wax awood ah ma yeelan doonto,” ayuu Maxamed Axmed Sheekh ku yiri wareysi uu siiyay mid kamid ah warbaahinta gudaha.
Sidoo kale, wuxuu xusay in kastamka Afgooye uu yahay il dhaqaale oo muhiim u ah maamulka Koonfur Galbeed iyo deegaannada ku xeeran, taasoo ka dhigaysa arrin xasaasi ah oo u baahan in si taxaddar leh loo maareeyo.
Guddoomiye ku-xigeenka degmada Awdheegle ayaa ku baaqay in khilaaf kasta oo ka dhasha arrintan lagu xalliyo wadahadal iyo iskaashi dhex mara Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed.
Tallaabo kasta oo kacsanaan keenta waxay sii hurin kartaa xiisadda u dhexeysa dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada, taasoo saameyn toos ah ku yeelan karta amniga iyo nolosha dadka isticmaala waddada muhiimka ah ee Afgooye iyo Muqdisho.
Si kastaba ha ahaatee, arrintan ayaa imanaysa xilli xiisad siyaasadeed ay ka dhex aloosan tahay maamulka Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo sidoo kale muran uu ka taagan yahay doorashada maamulkaas oo la sheegay in muddadii loogu talagalay ay dhaaftay.



















