Lafta Gareen oo hor istaagay safar uu Aadan Madoobe ku tagi lahaa Baydhabo

24

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa safar uu qorsheynayay inuu ku tago magaalada Baydhaba maanta baaqday, kadib markii maamulka Koonfur Galbeed uu ka hor istaagay inuu gaaro gudaha magaaladaas.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in xitaa diyaarad sidday wafdi hordhac u ahaa Guddoomiyaha, oo ay ku jireen qaar ka mid ah ilaaladiisa, hawada laga soo celiyay, kadib markii loo diiday inay ka dagaan garoonka Shaati Gaduud ee Baydhaba. Wafdigaasi ayaa ugu dambeyn dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Safarka Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa la xiriiray dadaallo lagu doonayay in lagu dejiyo xiisadda ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed, balse wuu fashilmay, kaddib go’aanka maamulkaasi uu ku hakiyay duullimaadyadii tegi jiray Baydhaba.

Ilo wareedyo ayaa sidoo kale tilmaamaya in Koonfur Galbeed ay garoonka Baydhaba keentay hub culus oo lidka diyaaradaha ah, isla markaana ay digniin u dirtay diyaaradaha qaadi kara mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka iyo xubnaha mucaaradka ee ka soo horjeeda madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku dooday in tallaabooyinkan ay qeyb ka yihiin dadaallo lagu xaqiijinayo amniga deegaannadooda, laguna hortagayo khataro dibadeed.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo degdeg ah, iyadoo ciidamo u dirtay magaalada Baraawe, oo ah caasimadda rasmiga ah ee Koonfur Galbeed. Ciidamadan ayaa lagu xoojinayaa kuwa dowladda ee halkaasi ku sugan, si loo adkeeyo amniga guud ee magaalada.

Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed ayaa sii kordheysa, iyadoo laga dareemayo meelo badan abaabul ciidan iyo dhaqdhaqaaqyo muujinaya suuragalnimada isku dhacyo hor leh.