
Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somalia Xasan Eelaay iyo Ciidamo uu horkacayo ayaa goor dhaw gaaray Magaalada Buur-hakaba ee Gobolka Bay kuna dhaw Magaalada Baydhaba.
Diyaarad nuuca Heyla-kobtarka ah oo Ciidamada Cirka Somalia leeyihiin ayaa ka qaaday Magaalada Muqdisho,taasoo ka degtay garoonka diyaaradaha Buur-hakaba
Wasiirka ayaa qeyb ka ah wasiiro kale oo ka soo jeeda deegaanada Maamulka Koofur-galbeed oo lagu wado inay dhawaan isugu tagaan Buur-hakaba,sidoo kalana lagu wado inay tagaan deegaano kale sida Diinsoor iyo Qansaxdheere.
Wasiiradaan ayaa lagu wadaa inay gudaha deegaanadaas ka abaabulaan guluf Milateri iyo qorshayaal Dowladu ku dooneyso inay xukunka kaga tuurto Laftagareen.




















