Qoor-Qoor oo Kulan xasaasi ah Nairobi kula qaatay Mucaaradka

24
Qoor Qoor
Qoor Qoor

Madxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa maanta Nairobi wuxuu kulan xasaaai ah kula yeeshay siyaasiyiinta Mucaraaadka ku ah Dowlada Somalia gaar ahaana kuwa ka soo jeeda Deegaanada Galmudug.

Siyaasiyiinta Qoor-Qoor ay kulmeen waxaa ka mid ah Xassan Cali Kheyre,CabdiFaarax Shirdoon Saacid,C/raxmaan C/shukuur Warsame, Maxamed Xuseen Rooble iyo kuwo kale.

Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa Qoor-Qoor ka dalbaday sida aan xogta ku helnay inuu cadeeyo mowqifkiisa siyaasadeed ee ku aadan Dastuurka Dowladu ansaxsatay kaasoo aad loogu kala qeybaan yahay,wararka ayaa intaaasi ku daraya inay sidoo kale mucaaradku ka dalbadeen QoorQoor inuu ka baxo safka Dowlada islamarkaana ka horyimaado Madaxweyne Xassan.

Inkastoo wararka qaar sheegayaan inuu aqbalay hadana waxaa la sugayaa in aaacadaha soo socda uu Qoor-Qoor cadeeyo mowqifkiisa.