
Shirka Golaha Wasiirada Somalia ayaa goor dhaw looga dhawaaqay in xilkii laga qaaday Taliyihii Ciidamada Asluubka oo loo garan ogyahay Taliye Shub.
Golaha Wasiirrada waxay isla shirka ku ansixiyeen soo jeedinta Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee magaacaabista Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed kaasoo ay u magacaabeen Sarreeeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.
Maalmihii ugu danbeeyay waxay warbaahinta kala duwan iyo baraha bulshada lagu hadal hayay xil ka qaadista ku soo socotay Taliye Shub taasoo loo aaneynayo khilaafka ka dhex qarxay Maamulka Koofurgalbeed madaaha uu Taliye shub yahay sodoga C/asiis Laftagareen.





















